Canada oo u cabsaneysa
Muwaadiniinteeda Kenya

Waaxda arimaha Dibadda Dalka Canada ayaa Digniin ujeediyay Muwaadiniinteeda
kusugan gudaha Kenya taasi oo kusaabsan in ay ka feejignaadaan
Qaraxyo iyo Weeraro Xarakada Al-Shabaab ay labeegsan karaan
dadka Canadianka ah ee jooga Kenya
Wasaarada arimaha Dibadda Canada waxa ay tilmaamtay
in Wadanka Soomaalia oo daris la ah Kenya uu Hooy u yahay Argagaxiso
islamarkaana ay kadagaalanto Xarakada Al-Shabaab oo ku hanjabtay
in ay Weerari doonto Ajaanibta kusugan Kenya
Warka kasoo baxay Canada ayaa lagu sheegay in
ay jiraan Muwaadiniin u dhashay Canada oo qaab Ganacsi ahaan
ujooga Kenya kuwaasi oo iyana looga digay in ay usoo safraan
Magaalooyinka u dhaw Xadaka Soomaalia iyo Kenya
Waxaa si aad ah usii kordhaya Qatarta kusaabsan
in Al-Shabaab ay weeraro iyo qaraxyo ay ka geestaan dalka Kenya
iyadoo safaaradda dowladda maraykanka ee Kenya ay sidoo kale
muwaadiniinteeda Kenya ku sugan uga digtay inay aadaan magaalooyinka
loo dalxiis tago.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com