Kooxo hubaysan oo Garsoore
ku dilay Laascaanood
Sida Websetka Warlalis ay u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah
kooxo hubaysan ayaaa waxa ay xalay ku dileen magaalada Laascaanood
ee gobolka Sool Garsoore ka tirsanaa Maxkamada Maamulka Somaliland
ee magaalada Laascaanood.
Garsooraha oo lagu magacaabayay Axmed Xaaji Maxamuud
(Dhuun-kalax) ayaa waxaa la sheegay in ay dileen labo ruux oo
ku hubaysnaa bastoolado, iyadoo aan si rasmi ah loo ogayn raga
dilka gaystay waxa ay ahaayeen iyo sababta ka dambeysa.
Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Sool Cli Ismaaciil
Faarax (Cali Qase) ayaa sheegay in ay hayaan mid ka mid ah labadii
nin ee dilka u geystay garsooraha, isagoo intaas raaciyay in
ay ku raad joogaan midka kale.
Dilalka lala beegsanayo masuuliyiinta maxkamadaha
ee magaalada Laascaanood ayaa dib u soo noolaanaya sanadihii
la soo dhaafay, waxaana ugu dambeeyay guddoomiyihii maxkamadda
racfaanka Maxamed Ibraahim Samatar oo 16-ka bishii October ee
sanadkii tegay lagu dilay gobolka Sool.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com