Norwey oo ku baaqday in
la gargaaro Qaxootiga Soomaalida ee Kenya
Golaha Qaxootiga Dalka Norway ee Norwegian Refugees Council
(NRC) warbixin kasoo baxday ayaa lagu sheegay in xaalad adag
oo dhinaca nolosha ah heysato Carruurtasomaliyeed ee kusugan
Xeryaha Qaxootiga Kenya.
Waxa uu golahu ugu yeeray Waddamada Caalamka inay
kordhiyaan caawimaad iyo taakuleyn deg deg ah loo sameeyo Carruuta
Somaliyeed ee ka barakacay dagaaladii ka dhacay Somalia.
Kumanaan carruur ah iyo qoysaskooda ayaa awoodi
waayey inay helaan nolol ku filan kuwaasi oo cunto laaan
iyo colaado is biirsaday kaga barakacay gobollada Somalia waa
sanadkii hore ee 2011 oo Abaaro ku dhufteen gobolladaas.
Warbixinta ayaa lagu yiri Qaxootiga Somaliyeed
waxay ubaahan yihiin Cunto ku filan,Biyo nadiif ah iyo meel
ay gabaad ka galaan qoraxda maalinkii iyo qabowga habeenkii.
Xasan Kheyre oo madax ka Golaha Qaxootiga Norway
ee loo soo gaabiyo (NRC0) ayaa sheegay in Carruurta somaliyeed
ee kusugan Xeryaha Dhadhaab inay ubaahan yihiin sidoo kale Waxbarasho
ku filan waxaana uu beesha caalamka ka dalbaday inay il gaar
ahaaneed lagu eego Carruurta iyo qoysaska somaliyeed.
Qaramada Midoobeey iyo Hayadaha aan dowliga
ahayn ee ka howlgala qeybo ka mid ah gobollada Somalia ayaa
dhowr jeer waxa ay sheegeen inay ku howlan yihiin gar gaarida
dadka somalida ee caawimaada biniaadanim ubaahan xilli
deegaanada Shabaab maamulaan laga mamnuucay hayadaha samafalka
inay ka howlgalaan.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com