Odayaasha dhaqanka oo
sheegay in aysan u hogaansameenin goaanada saxiixayaasha
Iyadoo Saxiixayaasha Roadmap-ka ay ku heshiiyeen in la kala
diro Odayaasha dhaqanka iyo Ergada ansixinta dastuurka marka
ay gutaan howsha loo xilsaaray ayaa Odayaasha waxa ay sheegeen
in aan waxba laga badali Karin Goaankooda oo ay ku adkeysanayaan.
Malaaq Maxed Yacquub ayaa waxa uu sheegay
in goaanka saxiixayaasha uusan ahayn Aayad Quraan
ah, waxaana uu xusay in Odayaasha ay mar waliba mumnaanta leeyihiin
hadii aan la sameena Gola sare oo Odayaasha ah wax soconaya
aysan jireynin.
Raiisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya
C/wali Maxed Cali oo shalay Saxafiyiinta la hadlay ayaa
waxa uu sheegay in Odayaasha aysan xaq u lahayn in ay goaan
gaaraan oo ay leeyihiin kaliya in ay talo soo jeediyeen ayna
qalad tahay goaankooda.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com